Swedish-Somali Environmental Co-operation, SWE- GOLIS




Swe-Golis  waa urur samo fal oo ay isku bahaysteen koox Swedish iyo Somaali ah oo ka kooban dad leh xerfaddo kala duwan oo dhammaantood danaynaya adeegsiga tegnoolajiyada la jaanqaadaysa hagaajinta deeggaanka iyo dhaqan dhaqaalaha bulsho ee ku dhisan deeggaan wanaajinta.
Swe-Golis ujeedadeedu waa iyadoo  horumarinta mashaariicda  dhinaca deeggaanka Somaliland iyo geeska Afrika la adeegsanayo:
  • In uu kor u qaado, kana shaqeeyo inuu gaadhsiiyo Somaliland iyo geeska Afrikaba horumar isku dheelitirsan, iyadoo mudnaan la siiyanayo dhaqan dhaqaalaha bulsho ee ku dhisan ka faa’iideysika khayraada deeggaan iyo tegnoolojiyada la jaanqaadaysa deeggaan hagaajinta.

  • Inuu horumariyo xidhiidhka wax isdhaafisiga iyo wada shaqaynta Sweden iyo Somaliland ee dhinacyada Waxbarashada, cilmi baadhista, waayo aragnimada iyo dhaqanka.

  • Ururku wuxuu ka madaxbannaan yahay siyaasadda iyo diinta, wuxuuna u ololaynayaa  dhinacyada hagaajinta deeggaanka iyo horumarka.
Swe-Golis ujeedooyinkeedaas waa in lagu gaadho iyadoo la hirgelinayo mashruucyo gudaha Somaliland, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ururkan iyo kuwo wadani ah, laakiin sidoo kale, waxaanu iskaashi la samaynaynaa ururro iyo bulshooyin caalami ah iyana.
Haddii aad doonaysid inaad xubin ka noqoto Swe-golis ku soo shub boos giiradan: PG 305704-9, boqol karoon oo Swedish ah, soona sheeg magacaaga,cinwaankaaga iyo e-mailkaagaba.

dib